Laamaha ammaanka oo rag la tuhunsan yahay ku qabtay Muqdisho

Laamaha ammaanka ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxay ku qabteen saddex nin oo la tuhunsan yahay, kuwaa oo midkood uu hubeysnaa.

Hawlgal ka dhacay Aargada Degmada Dayniile ayaa lagu soo qabtay raggaasi, xilli ay wateen mooto bajaaj, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in maalmahaanba la waday hawlgalo lagu baacsanayo kooxaha argagixisada iyo burcadda qowleysatada.

“Ayaantaanba waxaa socday hawlgalo qorsheysan oo lagula dagaalamayo ama lagu baacsanayo argagixisada baneysatay dhiigga, nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed iyo kooxaha burcadda qowleysatada ah ee dadka dhexdooda ku dhuumaaleysta ee duleysta.” Ayuu yiri Afhayeenka.

waxuu shaagay in daska rer Dayniile ay ashtako ka soo gudbiyeen raggaasi, oo ay ku eedeeyeen in ay dhac u gaysteen, ka dibna ay ka hawlgaleen xoogaga ammaanka.

“Maanta Degmada Dayniile abaare barqadii koox burcad oo qowleysata ah warbixino aanu ka helnay dadka shacabka ayaa ashtako nooga timid, oo nalooga soo dacwooday, marka hawlgaladii la qaaday ayaan ku soo qabanay illaa saddex burcad ah, oo mid ka mida uu hubeysan yahay, isla-markaana mooto bajaaj watay, kuna dhacaayay dadka shacabka ah hawl maalmoodkooda caadiga ah ku jira, marka burcadaas gacantaa ku soo dhignay.” Ayuu yiri Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Radio Kulmiye.

Hawlgalka lagu soo qabtay raggan ayaa ku soo aadaya, xilli dadka reer Muqdisho ay ka cabanayan kooxaha dhaca ka gaysanaya magaalada, gaar ahaan xilliyada habeenkii.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com