Jubbaland oo war kasoo saartay xildhibaan Qarax lagu dilay

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax ay gaarigiisa loogu xiray.

Qoraalka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax ay gaarigiisa ku qarxiyeen kooxda argagixisada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubbaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumka, waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay.”

Isniintii ayay ahayd markii Hay’adda Nabad Suggida Jubbaland ay sheegtay in ay fashilisay weerar argagixiso, oo la doonayay in lagu dilo mid ka mida ganacsatada Magaalada Kismaayo, ka dib markii ay ka hortagtay qarax loogu xiray gaarigiisa.

Si kastaba ha-ahaatee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee sanadkan ku baxa gacanta ururka Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com