M/ Xaaf oo ku dhawaaqay doorahada G/lmudug xiliga ee dheceeyso.

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Madaxweynaha weli talada Galmudug haya ayaa waxaa la gaarsiiyay illaa laba milyan oo dollar, oo looga caawinayo hawlaha la xiriira doorashada uu ka abaabulayo Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug oo tan iyo horaantii bishan ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeysay la gaarsiiyay lacagahan, oo sida la soo sheegayo ay ka timid Dowladda Emirate-ka Carabta.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in toddobaadkan sii dhamanaya lacagahaasi laga soo dejiyay Garoonka Magaalada Boosaaso, intii aanu Arbacadii ka dhoofin Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Saraakiil Madaxtooyada Puntland ka tirsan ayaana gaarsiiyay Madaxweynaha Galmudug.

Xubno ku dhow dhow Madaxweyne Xaaf ayaa inoo sheegay in Madaxweynuhu aanu iminka wax walaac ahi ka qabin dhaqaalihii uu hawsha ku sii wadi lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in maalmahaanba ay Magaalada Gaalkacyo gaarayeen Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameedyo, Waxgarad iyo dad kaloo ka soo jeeda Deegaanada Galmudug, si ay uga qayb qaataan dhismaha maamulka uu Madaxweynuhu ballanqaaday inuu noqon doono mid loo dhan yahay.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com