Ciidamo Hawlgal ka sameeyay Balcad iyo Afgooye

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysnaa waxaa ay ka fuliyeen degaanka Daniga oo u dhaxeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta Aragti cusub.com in ciidamada oo ka baxay degmada Balcad ay weerar gaadmo ah Ku qaadeen bar koontarool oo ay Ku sugnaayeen ciidan ka tirsan Al shabaab.

Weerarkaas ayaa la xaqiijiyay in ay Ku dhinteen laba ka mid ah ciidanka Alshabab ee Ku sugnaa koontaroolka la weeraray.

Degaanka Daniga waxaa uu Ku dhowyahay Tuulada Basra oo ay Al shabaab Ku leeyihiin Maxkamad qaadda dacwadaha madaniga ah.

Ciidanka Dowladda iyo Al shabaab ayaa dhowr jeer Ku dagaallamay waddada Xiriirisa Afgooye iyo Balcad ee marta Wabiga Jiinkiisa.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com