Dhageyso: Wasiir Mareeye oo sheegay in ay baarayaan duqayntii Degmada Jilib

Wasiirka wasaarada warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xeyr Maareeye ayaa sheegay in ay baarayaan Duqayntii ka dhacaday degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe Taas oo uu ku geeriyooday Mas,uul ka Tirsana shirkada Isgaarsiinta Hormuud

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dawlada Federaalka iyo Maraykanka ay iska kaashanayaan Hawgalada ka socda Dalka ee lagu beesanayo nabad Diidka waa sida uu hadalka u dhagaye waxaana uu sheegay in Maraykanaka iyo dawlada Federaalka Soomaaliya ay ka taxa daraan in duqaymaha diyaaradaha marykanka ay ka geystaan gobalada Dalka in aysan Dad shacab ah wax yeelo ka soo gaarin

Markasta ay la beegsadaan Dadka Xubnaha shabaabka ka Tirsan ee Maraykanka iyo dawlada Federaalka ay doonayaan