Dad ku dhaw 500-qof oo ku geeriyootay Muqdisho iyo shakiga laguqabo in Covid-19 oo Sababo uyahay

Waxaa xalay xarunta gobolka Banaadir ka dhacay shir ay ka qeyb galeen Wasiiro katirsan xukuumada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana kulanan looga hadlayay saameynta cudurka Caronavirus iyo sidii loo xoojin lahaa wacyi galinta .

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa sheegay tan iyo markii cudurka caronavirus soo gaaray magaalada Muqdisho ay kordheen dadka ku dhimanaya gudaha caasimada.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dad ku dhaw 500-qof ku geeriyoodeen magaalada Muqdisho wax ka yar bil, waxa uuna xusay Gudoomiyaha in dadkaasi aaminsan yahay in badankood u geeriyoodeen cudurka Caronavirus.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in tiraddii ugu badneyd ee ay diwaangaliyaan in Muqdisho ku dhinteen hal maalin kaliya ay aheyd  43 ruux , halka Midkii ugu yareydna ay aheyd 22 ruux.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay diiwaan galinta dadka ku dhinta magaalada Muqdisho si loo ogaado waxyaabaha keenay dhimashada dadkaasi, waxaana maalmihii lasoo dhaafay kordhay dadka Muqdisho ku geeriyoonaya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com