Dagaal faraha looga gubtay oo dhax maray Ciidamado Itoobiya iyo maleeshiyada Macawiisley

Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhax maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyada loo yaqaan Macawiisley, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ka dhacay  tuulada Af qurun oo qiyaastii 48KM u jirta deegaanka Far Libaax ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalka uu dhax maray ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid gobolka Bakool kuna sii jeeday Itoobiya iyo kooxda Macawiisley.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Itoobiyaanka ah ee ka yimid dhinaca degmada Xudur kuna sii jeeday Xadka Itoobiya ayaa kusoo dhacay goob ay joogeen maleeshiyada macawiisley, waxaana labada dhinac dhax maray dagaal culus.

Dagaalka oo ku bilowday kala shaki ayaa la sheegay in uu dhaliyay khasaaro badan oo soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah, waxaana dadka ku dhintay dagaalka la sheegay in ay ku dhaw yihiin 10-qof.

 

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com