Dagaal Khasaaro Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dagaalkaasi.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in dagaalka oo khasaaro naf iyo maalba leh dhaliyay uu dhaxmaray Dadka degaanka oo gacan ka heliya Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka deegaanka Muki-dheere oo ah duleedka degmada balacad Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana dadka degaanka oo aynu la hadalnay ay sheegeen in la gubay guryo ku yaallay degaankaasi, waxaana isaga soo barakacay dadkii ku sugnaa.

Dadka Barakacay ayaa soogaaray degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana ay inoo sheegen in dagaalku uu gaystay Khasaaro farabadan, iyadoo dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dhinacyada dagaalamay.

Degaankii lagu dagaalamay waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab sida ay inoo sheegen dadka mid ah dadka kasoo Barakacay deegaanka Muki-dheere.

Wali mamulka degaanka iyo Saraakiisha ammaanku wax war ah kama soo saarin dagaalkaasi khasaaraha badan dhaliyay, mana jirto cid ka hadashay ilaa iyo hadda.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com