Dagaal u dhexeeyo Guddoomiyaha G. Hiiraan iyo nin lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka socda duleedka Baladweyn

Ciidamo ka tirsan CXD qeybta 27aad oo ay wehliyaan kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa weerar ku qaaday deeganka Qowlad oo Waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo uu wato Sarkaal Magacaabo Nuur Dheere.

Ciidamada la weeraray ee ku sugan degaanka Qowlad ayaa ahaa kuwii habeeno ka hor Magaalada Beledweyne kula dagaalamay Ciidamo uu watay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyre Cismaan, waxaana haatan socda dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay  in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, sidoo kale uu jiro khasaaro soo gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Magaalada Baladweyn waxaa ka socda Banaan bax loogu soo herjeedo dagaalka meel Waqooyi kaga beegan Magaalada Baladweyne.

Dibadbaxyaasha ayaa waddooyinka Magaalada Beledweyne ku jaray dhagxaan, waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan Ciidamada dawladda oo maanta weerar ku qaaday Ciidamo uu wato Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere, kuwaas oo ku sugan deegaanka Qowlad.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com