Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab oo ka socda Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanayo  Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan Gobolkaas uu ka socda dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka Danab ee dowladda Federaalka, kuwa Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar uga socdaa deegaan lagu magacaabo bangeeni ee ku dhow dagmada jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la isku adeegsadayaa hubka noocyadiisa kala duwan sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dana bee dowlada Federaalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa ay  u sheegeen in dagaalka ay kula wareegeen deegaano hoostaga dagmada jamaame oo ay Al-shabaab ku sugnaayeen , isla markaana uu weli u socdo howlagalka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com