Darawalkii 5 -naad Soomaali ah oo magaalada London ugu geeriyooda Coronavirus.

Mid kamid ah darawalada Soomaalida ah ee ka Shaqeeya Magaalada London ee wadanka Ingoriiska ayaa u geeriyoodey Cudurka Coronavirus oo dalkaasi dad badan ugu geeriyoodeen.

Muwaadinka Soomaalida ayaa waxaa lagu Magacaabi jirey Nadiir Nuur,isaga  oo ahaa 48 sano jir muddo badan kamid ahaa Darawalada Basaska magaalada London gaar ahaan No 394 busteejada Hackney.

Sida ay qortey Warbaahinta dalka Britain Nadiir ayaa ahaa Aabe ka tegay xaas iyo saddex caruur ah oo ay ugu yar tahay Sahra oo ah 10 Bilood jir ah,isla markaana muddo badan uu ka Shaqeynayay Gudaha dalkaas.

Xaaska Marxuumka geeriyoodey oo lagu Magacaabo Bishaaro Maye ayaa sheegtay in goorhore uu iska dareemay astaamaha Cudurka Coronavirus,isla markaana uu ahaa geesi la Shaqeynayay Hay’adaha Caafimaadka ee Magaalada london.

Marxuum Nadiir ayaa waxaa uu noqdey Darawalkii Shanaad we Soomaali ah,kaas oo Magaalada london ee dalka Ingiriiska ugu geeriyooda Cudurka Coronavirus.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com