Dowladda UK oo Safiir cusub u soo magacowday Somaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay bedel ku sameysay Safiirkii u fadhiyay Soomaaliya ee Amb, Ben Fender, iyada oo Safiir Cusub u soo magacaabatay Soomaaliya.

Dowladda Britain ayaa Safiirka u fadhin doona Soomaaliya waxa ay u soo magacawday haweeneey lagu Magacaabo Kate Foster, sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda UK.

Sidoo kale dowladda Britain ayaa sheegay in Bisha Febaraayo ee sanadkaan 2021 Amb, Ben Fender loo wareejin doono xil kale oo diblumaasiyadeed si uu uga Shaqeeyo.

Dowladda boqortooyada UK ayaa Amb, Ben Fender waxaa ay Soomaaliya u soo magacaawday 30-kii Bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii, waxaana Soomaaliya uu ka Shaqeeynayay Sanad iyo 11 Bilood.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com