Khayre iyo Qoorqoor oo ka wadahadlay muranka raggaadiyay doorashooyinka

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay kulan gaar ahi ku yeeshay Magaalada Garoowe.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Garoowe, iyagoona ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay si dhow uga wadahadleen muranka hareeyay hannaanka doorashooyinka, isla-markaana ay isu waafaqayn in laga wada shaqeeyo xal u helidda tabashooyinka jira.

Madaxweynaha Galmudug ayaa wada dadaalo xal loogu raadinayo muranka muddooyinkii ugu dambeysay raggaadiyay doorashooyinka dalka.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku boggaadiyay dadaalada uu dhexda ugu guntaday xalinta khilaafka jira.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa dhawaan Magaalada Dhuusamareeb ka sheegay mar uu kulan kula lahaa Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in maamulkiisa uu ka shaqeynayo isu soo dhawaanshaha dhinacyada siyaasadda, si heshiis looga gaaro geedi-socodka doorashooyinka.

Qoorqoor ayaa waxaa maanta la fillayaa in uu gaaro Magaalada Muqdisho, si uu ugu biiro shir ay Villa Somalia ku leeyihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), waa haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com