Tahriibayaal Ku Xirnaa Liibiya oo dalka dib loogu soo celiyay

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro farabadan oo tahriibayaal ah, kuwaasi oo muddo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya.

Dhallinyarada tahriibayaasha ah ee dib loo soo celiyay ayaa tirro ahaan  gaaraya 94 qof oo 5 kamid ah ay yihiin haween oo dhowr sano ku xirnaa Xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya, halkaasoo ay ku heysteen kooxaha Dadka qafaasha ee Magafayaasha ah.

Tahriibayaasha ayaa diyaaradda sidday waxaa ay waaberigii hore ee saakay kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Wasiir Cabdisaciid Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay dadaal u gashay sidii ay dalka ugu soo celin laheyd, isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu dhawaan Liibiya kala hadlay siideynta dhalinyarada u xirnaa.

Qaar kamid ah dhallinyaradi soo noqday oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dib ugusoo laabashada dalkooda, iyagoo u mahadceliyey Madaxda dowladda Federaalka, sidoo kalena ka sheekeeyay dhibaatadii ay lasoo kulmeen.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com