Mareykanka Oo Cunaqabateyn Ugu Hanjabtay Madaxda Soomaalida

Dowladda Mareykanka ayaa War cusub kasoo saartay doorashada dalka ka dhaceysa oo dhowr jeer dib u dhac uu ku yimid, balse Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay heshiis ka gaareen doorashada, lana muddeeyay waqtiga ay dhammaaneyso doorashada Golaha Shacabka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa marka hore ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada inay saxaan khalalaadka ka jira doorashada, isla markaana ay dhaqan-geliyaan heshiiska cusub ee doorashada laga gaaray.

Afhayeen Ned Price oo shir Jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay inay qaado tallaabooyin dhinaca Safarka oo ay Cunaqabateyneyso Madaxda Soomaalida, haddii mar kale dib u dhacdo doorashada.

“8 Febraayo waa sanad guuradii koowaad markii uu xilka ka dhamaadday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraada Visaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi socodka doorashada” ayuu yiri Afhayeen Ned Price.

Hanjabaadka Mareykanka ayaa kusoo aaday, iyada Golaha Wadatashiga Qaran maalmo kahor heshiis ka gaaray doorashada dalka, kadib  Shir Magaalada Muqdisho uga socday 6 maalmood, iyagoona isku raacay in doorashada Golaha Shacabka lagu dhammeeyo 40 maalmood.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com