Dowladda oo Xabsiga dhigtay nin dhawaan rasaaseeyay dad Banaanbax ku dhigaayay Muqdisho

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay Nin ku hubeysnaa Bistoolad oo 25-kii bishii December 2020 Magaalada Muqdisho ku rasaaseeyay dad dhigaayay banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Wasiir Xundubey ayaa waxa uu sheegay in Ninkaas hubeysnaa uu ka tirsan yahay Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska, isla markaana xiligii uu dadka rasaaseynayay inuu ahaa dharcad, wuxuna falkaas ku tilmaamay inuu ahaa qalad dhacay.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in durbadii lasoo xiray ninkaas oo si bareer ah dad dhigaayay banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo rasaas dushooda ku riday, isagoo weliba Bastoolad uu watay dhowr mar ku handaday.

“Horta ogow ninka hadda aad ka warrameysaan islamarkii waa lasoo xiray, waa nin la yaqaan booliska ayuu ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan, qaladkana waa dhacayaa, cid kasta ayuu ka dhacayaa. ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa,” ayuu yiri Xundubey.

Dadkii uu rasaaseeyay ayaa waxa ay ahaayeen Saddex Gabdhood & wiil ku dhawaaqaayay erayo ay ku diidan yihiin Madaxweyne Farmaajo, balse ninkaasi awood Hub uu u adeegsaday oo uu rasaas la dhacay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com