Shaqaallaha Turkiga ee ku sugan Soomaliya oo wel wel soo wajahay

Qoysaska Turkiga ee ku nool waqooyiga gobolka Çorum iyo caasimada Ankara ayaa u baroor diiqaya ehelladoodii ay ku dhinteen weerarkii argagixiso ee sabtiga ka dhacay Soomaaliya.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa fuliyay weerarka ay ku dhinteen shan qof oo labo ka mid ah ay u dhasheen dalka Turkiga oo lagu kala magacaabo Selami Aydoğdu iyo Erdinç Genç oo ahaa shaqaalihii shirkad Turki ah oo ka howlgasha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo dhaawaca dhowr kale.

Genç oo ah 44 jir aabe leh seddex caruur ah ayaa loola cararay isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee magaalada Muqdisho si loogu dabiibo laakiin waxaa u dhintay dhaawacii soo gaaray

Xaaskiisa Melek Genç ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Anadolu (AA) in aaga uu ka shaqeynayay ninkeeda ay ilaalinayeen ciidamada.

“Markii aan la xiriiri waayey ninkayga (taleefoonka), waxaan daarnay TV-ga, wararkana waxaan ogaanay inuu ka dhacay weerar argagixiso goobta uu ninkayga ka shaqeynayay. Goor dambe, waxaan ka ogaanay kuwii aan naqaannay inuu ninkayga dhaawacmay oo loola cararay isbitaalka. Kadibna warkii qadhaadhaa wuu yimid, ayay tiri.

Selami Aydoğdu oo 22 jir ah ayaa guursaday lix bilood uun ka hor dhacdada,Mer Aydoğdu, aabaha Selami Aydoğdu, ayaa isna ku dhaawacmay weerarka,Arzu Han, Selami Aydoğdu sodohdiis, waxay AA u sheegtay inuu ahaa qof aad u naxariis badan, ayna ka murugoonayaan khasaarihiisa.

Iyadoo ku nuuxnuuxsaneysa in gabadheeda iyo Selami Aydoğdu ay is jeclaayeen ilaa yaraanteedii, waxay sheegtay in gabadheeda ay hadda qaadeyso daawada ka hortagga walwalka si ay ula tacaasho dhibaatada.

Shaqaallaha Turkiga ee ku sugan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in uu soo wajahay wel wel xoog leh oo ku aadan xaalada ammaankooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com