Dawlada Federaalka oo ka Tacsiyadeeysay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cumar Carte Qaalib.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda SoomaaliyaCusmaan Abuukar Dubbe ayaa uga tacsiyadeeyay Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Marxuumka ayaa muddooyinkan dambe ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariistee Marxuum Cuar Carte Qaalib waxa uu ku dhashay Gobollada Waqooyi ee dalka sanadka marka uu ahaa 1930-kii.

Dowladdii dhexe ee dalka intii u dhexeysay 1969-77-kii waxaa uu ka soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

24-kii Janaayo sanadkii 1991-kii ka hor inta aan la ridin dowladdii dhexe ee dalka waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, laakiin intuusan soo dhisin golihii Wasiirada labo maalin kaddib waxaa la riday dowladdii dhexe 26-kii Janaayo 1991-kii.

Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayuu marxuum Cumar Carte Qaalib waxaa uu ka noqday Ra’iisul Wasaare intii u dhexeysay 1991-kii ilaa iyo 1993-dii.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com