Dawlada Federaalka Soomaaliya oo beenisay in la sii daayay Dhakhaatiirta Dalka Cuba

Sii haayaha  Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay in la sii daayay labo dhakhtar oo u dhalatay dalka Cuba.

Sii haaye Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay Laanta afka soomaaliga ah ee VOA in dowlada Soomaaliya aysan sheegin in la sii daayay labadan dhakhtar.

Mas’uuliyiinta Dawlada Soomaaliya ma sheegin warkaas, mana aha war dowladda Soomaaliya ka baxay. Nimankaas waxaa afduubay Al-Shabaab, haddii lasii daayayna Al-Shabaab baa og. Annagu dadaallo ayaan wadnay, oo aannu ku daneyno qofkii ajnabi ah oo ay Soomaaliya wax ku gaaraan, marka dadaalladaasi way socdaan, dowladda Cuba-na waan kala xiriirnaa, laakiin warkaas meelaha la marinayo ma aha war dowladda Soomaaliya ay sii deysay,” ayuu yiri wasiirka.

Wakaaladaha wararka ee AP iyo AFP shaaciyay sii deynta labadan dhakhtar iyagoo xusay inay ka soo xigteen sarkaal ka trisan dowlada Soomaaliya.

Labadan dhakhtar ee la sii daayay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Assel Herrera iyo Landy Rodriguez waxana ay ka mid ahaayeen illaa boqol dhakhaatiir u dhalatay dalka Cuba oo ka howlgalayay dalka Kenya.

Wakaaladaha wararka ee AP iyo AFP ayaa shalay shaaciyay sii deynta labadan dhakhtar iyagoo xusay inay ka soo xigteen sarkaal ka trisan dowlada Soomaaliya.

Dawlada Cuba ayaa dhinaceeda sheegtay in aysn heeyn Caddeeyn la xiriirta sii deeynta dhaqaatiirta wallow warkan laga soo xigtay Sarkaal ka Tirsan Dawlada Soomaaliya oo Magaciisa qariyay

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com