Dawlada Itoobiya oo beenisay in Ciidamo ay kala baxday Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay ka hadashay in ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay kala baxeen gobolka Gedo,
Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Jamaaludin Mustafa oo wareysi siiyey barnaamijka Galka Baarista ee idaacada VOA-da ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Soomaaliya, isla markaana ka gudbay xuduuda gobolka Gedo uu la wadaago Itoobiya.
Jamaaludiin ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan gobolada Soomaaliya ay sahaydooda ka qaataan howl-galka ay ka tirsan yihiin ee AMISOM, balse ay u doontaan Doolow, sida uu sheegay.
Waxa uu xusay inay jiri karaan ciidamo Itoobiyan ah oo doontay sahaydooda, maadama uu sheegay inaysan dowladda Itoobiya sahayda ciidankooda ku sugan gobolada dalka u marin hawada, balse ay u mariyaan dhulka.
“Waan ka arkay Warbaahinta hadal hayn noocaas ah, mana jirto ciidan aan ognahay oo Itoobiya ah oo laga saaray Soomaaliya,” ayuu yiri Amb. Jamaludiin.
Safiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dhawaan lasoo afjari doono howl-galka millateri ee dowladda federaalka Itoobiya ka wado gobolka Tigreyga, isagoona carabka ku adkeeyay in cadaalada la marsiin doono hogaanka TPLF.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com
Xigasho VOA