Faah Faahino ka soo baxaya Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degaano ka Tirsan gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya Dagaal culus oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed uu ka dhacay degaanka Nagaarta, oo ka tirsan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Dagaalka oo mudda saacado ah socday, ayaa salka ku hayay Baraago laga cabo biyo iyo dhul daaqsimeed hoostega degmada Matabaan, kuwaas oo dhowaanahan lagu muransanaa.
Ugu yaraan 5 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka, halka in ka badan 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen.
Hase , ahaatee xaalada degaankii lagu dagaalamay ayaa deggan , inkastoo oo laga cabsi qabo in mar kale lagu dagaalamo Halkaas maadaama aysan jirin ilaa hadda cid kala dhex gashay .
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com