Dad Cudurka Covid19 ugu geeriyooday Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in xanuunka Karoona ay u geeriyoodeen 5 Ruux, taasi oo tirada guud ee dadka u geeriyooday ka dhigaysa 113 Ruux.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa caddeysay in la diiwaan-geliyay 63 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga puntland, 23 qof, , Smaliland 24 qof, Banaadir 16 taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 4,445.

Bukaannada cusub 54 waa rag. 9-na waa dumar, dadka cudurka laga helay ayaa waxaa ay yihiin kuwii la baaray Todobaadkii la soo dhaafay, welina ay socdaan baaritaannada.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Marwo fowsiya ayaa dhawaan shaacisay in uu soo laba kacleeyay cudurka Coronavirus, isla markaana dowladda Soomaaliya ay dib u howlgelisay Xarumaha lagu baxnaaniyo dadka laga helo Cudurka COVID-19.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com