Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo xaflad sagootin ah loogu sameeyay Baydhaba

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xaflad isugu jirtay casho sharaf iyo sagootin oo xalay loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Xafladda oo madaxweynaha Koofur galbeed , C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen uu u qabtay ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa aheyd mid lagu maamuusayay waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan KGS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Koofur galbeed iyo shacabkooda uga mahadceliyay sida ay u maamuuseen isaga iyo wafdigiisa muddadi ay joogeen magaalada Baydhabo.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa dhagax dhigay goobo muhiim u ah bulshada isagoo kulamo kala duwana la qaatay bulshada magaalada Baydhabo.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com