Wararkii ugu Dambeeyay shirka ka socda Muqdisho

Maalintii shanaad ayuu galay shirka midowga musharaxiinta uga socda magaalada Muqdisho, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay ku biireen Xubno hor leh oo aragtidooda ku biiriyey xubnaha shiraya.

Shirka ayaa weli ka socda hotelka Jaziira, waxaana lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maanta inkastoo dad badan ay sugayaan waxa ka soo bixi doona shirka.
Xubnaha ku shiraya Muqdisho ayaa aragtiyadooda shalay iyo maalmihii ka horeeyey ka dhageystay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, culimada, ururada bulshada rayidka iyo siyaasiyiinta kale, sidoo kale xubnaha beesha caalamka ayaa gelinkii dambe ee shalay ka qeyb galay shirka, iyagoo aragtidooda ku biiriyey.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com