Maxa ka jira in Ra’iisal Wasaare Rooble uu Musharixiinta Mucaradka ah kala hadlayo Arimaha doorashooyinka?

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, , Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee walaaca ka muujiyay guddiyada doorashooyinka Qaranka uu diyaar u yahay in uu ka dhaadhiciyo guddiyada iyo waxyaabaha loo idmaday.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in guddiyadu ay yihiin kuwo ku imaaday heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen dowladda federaalka, dowlaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo xusay in mas’uuliyadda culus ee loo igmaday uu ka rajeynayo in si daacad ah ay u gutaan.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga wadashaqeeyo sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka oo guddiga loo xilsaaray.
Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane,Maxamed Xuseen Rooble ayaa caddeeyay inuu musharaxiinta kala hadli doono cabashooyinka si uu u fahamsiiyo guddiga iyo shaqada hortaalla.
“Waxaa jiro rag walaalahey ah oon si fiican u garanayo oo musharaxiin ah oo walaac ka muujiyay guddiyadaas la soo magacaabay,waxaan walaalahey ka codsanayaa in aan diyaar u ahay markasto sidii aan u fahamsii lahaa,si walaaltinimo ku jirtana aan ulana tasha lahaa waxa lasoo magacaabay inay yihiin wax macno leh oo ummadda ka gudbinaya doorashooyinka una gudbinaya xukuumad cusub”ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com