Musharrax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo uga digay Madaxweyne Farmaajo in uu kaligii Taliye uu noqdo

Wasiirkii hore ee warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle oo Haddana ah musharax madaxweyne, kana mid ah Midowga Musharrixiinta sanada 2020ka /2021 ayaa sheegay in waxa ay ka shirayaan ay ka mid tahay maslaxadda madaxweyne Farmaajo.
Waxa uu sheegay in kali-talisnimadu markii laga soo tago dadka kale ay u darantahay qofka markaas xilka haya, isla markaana uu Farmaajo hadda u baahanyahay in lagala taliyo kaligi talisnimada.
“Naga rumeysta waxa aan u taaganahay waxaa ka mid ah, maslaxadda madaxweynaha xilka haya, kali-talisnimadu inteysan khatar ku noqon muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta kale, waxay khatar ku tahay qofka markaas xilka haya,” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.
Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii xukunku halaabo ay is aaminidu yaraaneyso wax kastana halaabayaan.
“Anagu hadda makarafoon ayaan wax ku sheegeynaa, hool kan oo kale ah ayaan wax ka soo abaabuleynaa, laakiin xeryaha iyo qoryaha in wax lagu abaabulo ayey isku bedeleysaa, taas ayaan ka hor taaganahay Farmaajo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Danjire Daahir Maxamuud Geelle.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com