Denmark: Aabe iyo hooyo soomaali ah oo xabsi iyo mastaafur ku mutaystay caruur ay dhaqan celin ugeyeen Soomaaliya

Maxkamadda ku taal magaalada Lyngby, ayaa aabe soomaali ah ku xukumay hal sano oo xarig ah isla markaana laga masaafuriyay Denmark ka dib markii isaga iyo xaaskiisa ay u direen labo ka mid ah caruurta ay dhaleen  safar dhaqancelis  oo ay ku ugu direen  Soomaaliya.

Aabaha  iyo hooyada laxukumay ayaa  lagu eedeeyay in ay tacadiyo isugu jiro jir dil iyo cadaadis ugeesteen caruurtoda  waxaana lagu xukunay  xukuna kaladuwan.

Hooyada ayaa  lagu xukumay lix bilood oo xarig ah oo aan  masaafuris laheeyn , lkn aabaha dhalay caruurta ayaa lagu xukumay 1-sano oo xarig ah iyo in soomaaliya loo marafuriyo.

Waalidkaan lagu maxkamadeeyay dalka Denmark ayaa lagu ee deeyay dhaqan celis ay caruurtoda kusameyeen  jirdil iyo in si qasab ah maxbuus uga dhigeen dugsi quraan Somalia.

Dacwad oo gayaasha  oo ay qeeb kayihiin Boliska Denmerk oo kiiska qooska Soomaaliga-ah maxkamada horteeda ka sheegay in aabaha uu si xun u dulijiray  gabadha sidookalanah uu si qasab ah Soomaliya ugu celiyay .

Waalidiinta ayaa iyanah dhakooda sheegay in ayaan surtagal aheey in ilmahooda ay jirdil iyo xumaan kulakacaan lkn arinkaa ay tahay mid aan sal iyo baar laheeyn.

Soomaalida ku nool wadanada qurbaha ayaa in tabadan caruurtoda kala kulmo dhaqamo ay raali ka aheeyn waalidka iyo luuqadi Soomaliga oo ay dhib ku qabaan caruurta qurbaha in ay fahmaan taasina ay sababtay waalidli in ay dib ugu celiyaan dalki si dinta dhaqanka iyo af-soomaaligi  ay usoo bara.

Wadamada yurub  iyo America ayaa ugu badan meelaha ay waalidiinta Soomaaliyeed Caruurtoda kala cararaan si ay dhaqan celi ugu sameyaan dalkoodi hooyo ee Soomaaliya .

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”