Booliska dalka Norwey ayaa loo ogolaaday qaadashada bastooyada korontada ah.

Oslo:-Warbaahinta NRK ayaa shaacisay in dowlada si rasmi ah ugu ogolaatay booliska dalkaan in ay qaadan karaan bastoolada korontada si loo yareeyo adeegsiyga hubka qatarta badan keeni kara.

Wsiirada Cadaalada iyo amniga Norwey Monica oo la hadashay TV-ga NRK ayaa sheegtay in go,aanka lagu ogolaanayo in booliska si joogta ah u wadan karaan bastoolada korontada timid kadib markii mudo laba sano ah si tijaabo ah u wateen booliska taasi oo keentay in lagu ogaaday faa,iidada iyo sida ay qeyb uga noqon karto xaaladaha qaarkood.

Wasiirada ayaa xustay in arintaan yareyn karto qatarada ka yimaada adeegsiga hubka caadi ah.

Bastooyada loo ogolaaday booliska ayaa ah nooc koronto oo marka  lagu dhigto keenta in murqaha qofku uu dabco taasina  yareysa khatarta qofka kaga imaan karta Booliska.

Xafiiska Wararka ,Oslo.

Info@aragticusub.com