Norwey oo bilaabaysa Cirbada sedexaad ee talaalka Covid19.

Oslo:-Wasaarada caafimaadka dalka Norwey ayaa shaacisay in dhawaan la bilaabi doono qaadashada cirbada sedexaad ee ka hortaga xanuunka Covid19.

Wasaarada ayaa xustay in dowlada haatan ku guda jirto diyaarinta sidii loo bilaabi lahaa cirbada sedexaad.

Mas,uul ka tirsan wasaarada Caafimaadka ayaa xusay in  mudo 6.bil gudahood lagu bilaabi doono sidii guud ahaan dalka looga bilaabi lahaa talaalka.’

Waxaa uu intaa ku daray in cirbada marka hore qaadan doonaan dadka ka weyn 85 sano iyo dadka qaba xanuunada khatarta keeni karta.

Dowlada Denmark ayaa hore ugu dhawaaqday in ay bilaabi doonto qaadashada cirbada sedexaad ee talaalka xanuunka safmarka ah ee Covid 19.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com