Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay soo bandhigeen Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda.

Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Nuur Maxamed Xuseen oo dhinaca Al-Shabaab looga yaqaano ( Guudow) ayaa Saraakiisha Ciidamadu sheegeen in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca qaadista Sakada, isla markaana uu isku soo dhiibay Ciidamada ku sugan degaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay.

Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60aad ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Maxamed Nuur Mad dheere ayaa sheegay in Sarkaalkaan uu muddo 7 Sano ah ka tirsanaa Ururka Al-Shabaa , isla markaana uu ka Shaqeeynayay degaanka Dadaarow ee Gobolka Baay.

Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaa  ee Ciidamada isku soo dhiibay oo lagu Magacaabo Maxamed Nuur Maxaned Guudow oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in sababta uu uga soo baxay Al-Shabaab ay tahay cadaalad darro lagu haayo Shacabka , isla markaana aan loo sheegi karin qaladkooda dhibaatana lagala kulmayo.

Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60aad ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Maxamed anuur Mad dheere ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano ku dhow dhow degaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay.

Dhowr jeer ayaa Taliska Ciidamada qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa soo bandhigeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen inay isku soo dhiibeen.