Wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiirka Caddaaladda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub.

Intaas kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Ammniga oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Farxaan, Wasiirka Cadaaladda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo Agaasime waaxeedyada ayaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Farxaan Cali Axmed waxaa uu xilka ku wareejiyay wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyay xubnaha wasaaradda sida ay u soo dhaweeyeen iyo Shaqada wanaagsan oo ay u hayaan Bulshada.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhamaan Xubnaha kale ee Wasaaradda ay si wanaagsan u wada Shaqeyn doonaan, isla markaana uu rajeynayo in wax badan la qabto.

Xil wareejinta wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli wasiirkii xilka laga qaaday ee Xasan xundubeey Jimcaale uu sheegay in xil wareejin afduub ah ay Maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Amniga.