Doorashada Norwey oo meel xasaasi ah mareysa iyo xisbiyada qaar oo taagero helaya.

Oslo:-Doorashada baarlamaan ee dalka Norwey ayaa ah mid meel xasaasi ah mareysa iyada oo ay soo baxayaan in qaar ka mid ah xisbiyada dalka taageero badan helayaan-

Doorashada ayaa iminka ah mid ay ka harsan tahay wax ka yar sedex cisho isla markaana bulshada Norwey si aad ah ugu mashquulsan yihiin sidii codadkooda u dhiiban lahaayeen.

Warbaahinta Norwey ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ahaa kuwo si aad ah ugu mashquulsan doorashada,iyaga oo doodo kala duwan la yeelanayay hogaanka xisbiyada talada dalka ku loolamaya.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee laga qaaday dadweynaha ayaa muujinaya in xisbiga shaqaalaha uu helayo codadka ugu badan taas oo gaaraya ilaa 24.halka xisbiyada kale ee høyre iyo frp yihiin kuwo codad fiican ka helay tirakoobkaas.

Isku dar Xisbiyada AP SV iyo SP ayaa saadaashu tilmaamaysaa in ay helayaan 84 taasi oo noqan doonta in ay u baahan doonaan mid ka mid ah xisbiyada Rød ama MDG.

Halka Xisbiyada kale ee Høyre KRF venstre iyo FRP codadka isku dar heleen 69-cod taasi oo ay muuqanayso sida bulshada xiligaan ugu baahan yihiin in isbadal dhaco.

Sidoo kale cod bixin la sameeyay ayaa qaar ka mid ah bulshada lagu waydiiyay cida ay rabaan in Xukuumada soo socota Hogaamiso waxaana codadka ugu badan helay Gudoomiyaha xisbiya shaqaalaha oo helay 54 boqolkiisa halka Ra,isul wasaaraha haatan heshay 39 boqolkiisa.

Bilowga Isbuuca soo socda ayaa lagu dhawaaqi doonaa Natiijada xisbiyada ku guuleysta doorashada wadanka Norwey.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com