Shacabka Norwey oo codsaday in talaalka sedexaad ee COVID19 dib loogu dhigo.

Oslo:-Shacabka Norwey ayaa ku baaqay in dib loo dhigo Talaalka sedexaad ee Covid19 si talaalka uga faa,iideystaan wadamada saboolka ah.

Codbixin la sameeyay ayaa muujinaysa in 73 boqolkiiba shacabka Norwey jeclaan lahaayeen in wadamada saboolka ah guud ahaan la gaarsiiyo talaalka.

Waxaa ay intaas raaciyeen in wamada badan oo sabool ah aysan ilaa iyo haatan helin qaadashada cirbada ugu horeysa ee ka hor taga xanuunka covid19.

Dadka codbixinta laga qaaday ayaa ahaa kuwo haa inta badan dhahay dhalinyarada halka tira yar oo ka mid ah dadka da,dodu ka sareyso 55 ta iyana taageereen in dib loo dhigo talaalka sedexaad.

Norwey ayaa ka mid ah wadamada Yurub ee sida aadka ah ugu dadaashay sidii shacabkeeda u qaadan lahaayeen talaalka xanuunka safmarka ah ee Covid19 si bilaash ah.

Dhawaan ayay xukuumada Norwey ku dhawaaqday in la talaali doono carruurta da,doodu ka sareyso 12. ilaa 15 sano taasi oo ah mid ay dowlada dadaal xoogan ugu bixineyso yareynta qatarka xanuunkaan waxaana la xaqiijiyay talaalka qaateen in ka badan boqol kun oo carruur ah .

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com