Daawo loogu tala galay Covid 19 oo tijaabadeeda la bilaabay.

Oslo,Talaalka Cudurka faafa ee Coronaveirus ayaa diyaar noqon kara bisha september ee sanadkaan.

Sida uu qoray wargeyska VG ee kasoo baxa dalkaan Norwey cilmi baarayaal u dhahay dalka UK ayaa sheegay in xiliga Deyrta ama bisha September ee sanadkaan uu diyaar noqon doono talaal loogu talagalay Covid 19 kaas oo ay sheegeen in 80 boqolkiiba uu shaqeyn doono insha allaah.

” Labada todobaad ee soo socota waxaa bilaaban doona tijaabinta talaalka ee bini’aadamka“ ayay u sheegtay wargeyska The Times Sarah Gilbert oo ah cilmibaare ka tirsan jaamacada Oxford.

Haweeneydaan oo madax u ah koox cilbaarayaal ah oo ka tirsan jaamacadaas loona arko in ay ka mid tahay cilmibaarayaasha ugu sareeya ee sameeya talaalka ayaa intaas ku dartay in 80 boqolkiiba ay hubto in uu shaqeyn doono talaalkan.

Madaxda UK wax ay sheegeen in lacago malaayin ah ay ku bixin doonaan barnaamijkaan hadii natiijadu ay noqoto mid balanqaad leh.

Dalal badan oo dunida ah ay awoodooda isugu geynaya sidii ay u heli lahaayeen talaal ama daawo toos ah oo loogu talagalay cudurka Coronveirus, iyagoo Ku xisaabtanaya dhaqaalaha ay ka heli doonaan, yeelkeeda waxa ay ilaa iyo hada ku guuleysan la’yihiin in ay soo saaraan talaal shaqeeya.

Dowlada Shiinaha ayaa iyadu dhawaan tijaabo ku sameysay talaal ka hortaga faafista cudurka iyagoo 180 qof oo ku nool magaalada Wuhan ku tijaabiyay.

Mohamed Abdi Nahar.

Xishasho VG

https://www.vg.no/nyheter/innenriks/i/BRKnrg/Xxcoronavaksine-kan-vaere-klar-i-hoest