Xaaf oo xilka ku wareejiyay qoor qoor

Mdaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa caawa xilka madaxtinimada maamulka Galmudug ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Md. Axmed Cabdi Kaariye.

Xil wareejinta ayaa timid ka dib Munaasabad dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Xaaf ayaa goobta ay ka dhaceysay Xafladda ka sheegay in uu tanaasulay islamarkaana uu la shaqeyn doono Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Madaxweyne Xaaf uga mahadceliyay sida uu maamulka ugu soo adeegay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com