Dhacdo Naxdin Leh Oo Ka Dhacday Degmada Waaciye

Waaciye – 20 Janaayo 2025:
Maanta oo ay taariikhdu tahay 20/01/2025, abbaaro 2:00 duhurnimo, waxaa degmada Waaciye ka dhacday dhacdo naxdin leh oo si weyn uga yaabisay bulshada deegaanka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay marxuum Cabdullaahi Siciid Sugule, oo ahaa nin dhalinyaro ah kana shaqaynayay garaash uu ka shaqo geli jiray gudaha degmada. Sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah, dilka waxaa geystay labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa baangado iyo toorey, kuwaas oo weerar ku qaaday marxuumka xilli uu ku sugnaa goobtiisa shaqo.

Markii falkaasi dhacay kadib, waxaa goobta si degdeg ah u soo gaaray laamaha ammaanka iyo kuwa caafimaadka, kuwaas oo marxuumka u qaaday Isbitaalka degmada Waaciye, balse nasiib darro waxaa la xaqiijiyay inuu halkaas ugu dambeyn ku naf baxay.

Sababta Dilka

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo goobjoogayaal, dilka ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo arrimo la xiriira hayb-sooc iyo faquuq qabiil. Waxaa la sheegay in marxuum Cabdullaahi Siciid Sugule uu ka soo jeeday beesha Yibro, oo mararka qaar bulshada dhexdeeda la kulma takoor.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in walaalka marxuumka, Cabdiasiis Siciid Sugule, uu xiriir jacayl iyo guur qarsoodi ah la lahaa gabar ka dhalatay beesha Dishiiishe. Sida lagu sheegay wararka deegaanka, ragga lagu eedeeyay falka dilka ayaa la sheegay inay walaalo la ahaayeen gabadhaasi.

Sida la sheegayo, waxaa jira warar tilmaamaya in gabadhaasi uur u lahayd Cabdiasiis, taas oo keentay caro iyo khilaaf qoys, ugu dambeyntiina la sheegay in falka dilka ah lagu bartilmaameedsaday marxuum Cabdullaahi, iyadoo lagu qalday ama loogu aar-guday walaalkiis.

Dad badan oo deegaanka ah ayaa sheegay in falkaasi uu ka dhashay faquuq iyo naceyb qabiil, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah dadka falka geystay ay diideen in gabar ka tirsan beeshooda ay guursato nin ka soo jeeda beesha Yibro.

Xaaladda Amniga

Ilaa hadda laamaha ammaanka degmada Waaciye si rasmi ah ugama aysan hadlin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadan, mana jirto war cad oo ku saabsan in la qabtay dadkii lagu tuhmay dilka.

Dhacdadan ayaa si weyn u argagax gelisay bulshada Waaciye, iyadoo dad badan ay ka muujinayaan walaac ku saabsan falalka la xiriira takoor qabiil iyo colaad qoys oo sababi kara rabshado iyo dhibaatooyin kale oo bulshada dhexdeeda ah.