Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo qasriga Madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay Ra’iisalwasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Xaruunta madaxtooda ee Jabuuti ku qaabilay Ra’iisalwasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulankan ayaa ahaa booqasho waana kulankii ugu horeeyey tan iyo markii uu xilka laga qaaday kheyre uu la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele.

Xasan Cali Kheyre oo shalay kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inuu Jabuuti ka bilaabo ololihiisa doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2020/2021.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com