Maxay ka wada hadlayaan Madaxweyne Deni oo ku Sugan Dubai iyo Madaxda Shirkadda DP world?

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa doonaya in uu Halkaas kula kulmo Madaxda  ugu sarreysa Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa Dekedda Boosaaso.

Deni oo maalmo ku sugnaa Magaalada Nairobi, ayaa uga sii gkictimay  Imaaraadka Carabta, waxaana safarkiisa diirada uu ku saarayaa la kulanka mas’uuliyiinta Shirkadda DP World.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu mas’uuliyiinta DP World uu kala hadlo, Arimo la xiriira Dekedda Boosaaso oo aysan wax shaqo ah ka qaban mudadii ay gacanta ku haysay, islamarkaana ay ciid ka buuxsantay.

Shirkadda DP World, waxay Dekedda Boosaaso kula wareegtay heshiis la saxiixay 6-dii April 2017, kaas oo Baarlamaanka Puntland ansixiyay 27-kii July ee isla sannadkaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa xilligaas qalinka ku duugay in DP World ay muddo 30-sano ah maamusho Dekedda Boosaaso.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com