Trump oo Isbitaalka uga soo baxay Salaanta Taageerayaashiisa

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo kooban ka maqnaa cisbitaalka sii uu u soo salaamo taageerayaashiisa oo ku sugnaa bannaanka cisbitaalka lagu daaweynayay.

 

Madaxweynaha ayaa ku jiray gaari madow waxaan la arkayey isaga oo afka xiran islamarkana taageerayaasha uga gacan hadiyay gaarigii uu ku jiray.

Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay bartiisaa Twitterka ku qoray in uu si kedis ah ula kulmi doono taageeraayiisha.

 

Mr Trump, oo lagu dhaliilay sida uu u maareeyay cudurkan safmarka ah, ayaa sidoo kale sheegay inuu wax badan ka bartay viruska.

 

Xaalada caafimaad Ee Madaxweyne Donald Trump ayaa soo wanaagsanaanysa kadib markii laga helay cudurka Korona waxaana laga yaaba in Maalinta isniinta cisbitaalka laga saaro, sida uu sheegay dhaqtarkiisa gaarka ah.

 

Dr Sean Conley ayaa sheegay in hoos u dhacday markii labaad heerka nefsashada ee Mr Trump waxaana lagu bilaabay daawo lagu magacaabo dexamethasone.

Madaxweynaha ayaa lagu xiray qalabka lagu nefsado hal mar oo keli ah tan iyo markii cudurka korona laga helay, waxaa sidaasi yiri Dr Conley oo fahfaahin ka bixinayay hadallo sualo ka dhashay oo horey dhaqaatirtu ay u sheegeen.

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com