Kiisas la Xiriira Cudurka Covid19 oo laga helay qaybo ka mid ah Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay dad badan oo laga helay cudurka Coronavirus, Dadkaas oo ku kala sugan qaybo ka mid ah Soomaaliya

warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka dowladda ayay ku sheegtay in 5-tii maalin ee lasoo dhaafay cudurka laga baaray 2,704 qof, isla markaana laga helay 157 qof oo kamid dadkaas, kadib markii baaritaanno kala duwan lagu sameeyay.

Tirada dadka ugu badan ee laga diiwaan-geliyay cudurka maalmihii ugu dambeeyay ayaa ku sugan deegaannada Puntland, waxaana halkaas laga diiwaan-geliyay 134

Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay in deegaannada maamulka Somaliland laga helay 20 qof, halka G/Banaadir laga helay 2 ruux iyo deegaanada Galmudug oo laga diiwaan-galiyay 1 qof, waxaana dhammaan 157 ee laga helay Cudur rag ah 98, halka 59 ay yihiin dumar.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com