XOG: Mareynkanka oo hal arrin ku cadaadinaya DENI & A/Madoobe & Qorshaha Villa Somalia

Mr. Yamamoto oo xalay fiidkii Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kula gaar ah kula yeeshay madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan madaxweynayaasha maamulada Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle ayaa kula dardaarmay in la dhaqan geliyo heshiiska la gaaray,islamarkaana la doonayo dhinacyada siyaasadda ka maqan oo uu kala jeeday Puntland iyo Jubbaland.

Wuxuu intaas ka dib, Khadka taleefanka uu kula hadlay Siciid C/llaahi Deni, madaxweynaha Puntland iyo Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland oo labadoodaba diiday iney qeyb ka noqdaan shirkii Dhuusamareeb3 oo warmurtiteedka laga soo saaray, kaas oo u jan jeeray hal dhinac, wuxuuna Donald Yamamoto ku ku dhiira geliyay labadan madaxweyne iney aqbalaan Heshiiskii Dh.mareeb,kaas oo qeexaya in doorasho loo dhan yahay loo dareero.

Farmaajo ayaa eed xooggan usoo jeediyay hoggaamiyaasha Jubbland iyo Puntland waxaana uu sheegay in  diyaar u ahayn wada hadal iyo maslaxada dalka “Walalaheena Puntland iyo Jubbaland waxaa leeyahay madashan waxbaa ku leedihiin dad wanaagsan tihiin, waa nagu fogtihiin waa ka xunahay in aadan imaan oo aadan xaadir ku aheyn, waxa aaaminsanahay inaa dib noogu soo qeyb geli doontaan fikradaha aad qabtaan ma idinka maarano waxaa u baahnahay awoodiina dhinac walba haddii tahay masxkax xigmad iyo fakar waxaa idinka codsaneyna ummadda soomaaliyeed idinka codsaneysaa inaan isku nimaano” ayuu yiri Maadxweyne farmaajo. Waxaa sidoo kale madaxweyne farmaajo uu sheegay in ay jireen qaar ka mid ah madaxda maamul Goboledyada oo doonayay in ay luggooyaan, shirarkii hore eek a dhacay Dhuusamareeb ayuu sheegay in ay jireen Madaxda qaar oo caga-jiid uu ka muuqday.

Kulankii Dhusamareeb3 oo ay ka soo baxeen qodobo aan suurgalin karin in dalka ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay ayaa lagu eedeeyey in madaxda maamulada ku sugnaa magaalo madaxda Galmudug fuliyeen qorshihii Villa Somalia ka laheyd doorasho ka qabsoonta Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxda maamulada ee ku sugnaa Dhuusamareeb ay la galeen Madaxweyne Farmaajo heshiisyo siyaasadeed iyo maaliyadeed.