Dhageyso :Madaxweyne Xasan sheekh oo ka hadlay waxyaabaha ay ku guuldareysatay Dawlada Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa  shaaca ka qaaday in qorshihii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah uu ku guuldareystay

Mudane Xasan sheikh ayaa sheegay in Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku Fashilantay shaqadii loo igmaday, isla markaana dalka uu joogo meeshii uu uga tegay taasina ay muujineyso in la qabanayo doorasho dadban.

Madaxweynihii hore Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warkaan sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka Somali Cable