Dhagaxyadii yaalay Qaar ka Tirsan Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo la qaaday

Wararka ka imaanaya Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay gabi ahaanba laga qaaday dhagaxyadii lagu xiray wadooyonka degmada wadajir

Shacabka degmada wadajir gaar,aahaan kuwa degan nawaaxyiga xaruunta degmadaasi ayaa sheegay in xalay mar qura ay arkeen dhagaxyadii lagu xiray wadooyinka oo lagu qaadayo cagaf cagaf

Sidoo kale wadooyinka kale eek u yala muqdisho oo dhagaxyadii laga qaaday waxaana arintaan qayb ay ka tahay balanqaadkii dhawaan uu sameeyay Gudoomiye Cumar Finish oo sheegay in wadooyinka dhagaxyada laga qaadayo

Dhagxaantan wadooyinka lagu xiray sanado kahor ayaa dhibaato badan waxaa ku qabay shacabka magaalada Muqdisho, waxa ayna abuureen saxmad iyo cariiri badan wadooyinka yar ee horey u furnaa.

Wadooyinka dhagxaantan shubka laga qaaday ayaa waxaa ku jira kuwa saaran laamiga Wadnaha sida Tarabuunka ,Isgooska Sheekh Cali Suufi iyo kuwa kale oo maristooda muhiim u ahaayeen gaadiidka.

 

Shacabka magaalada Muqdisho ayaan saakay markii ay soo tooseen qaarkood arkeen wadooyinkii dhagxaanta lagu xiray oo dib loo furay ayna marayaan gaadiidka, lamana oga waxa soo dedejiyay talaaban mana jirto ilaa hada wax war ah oo dowlada kasoo saartay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com