Maxay ka wada hadleen Madaxweyne farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan aan hore loo shaacin xalay ku yeeshay Magaalada Muqdsisho

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee labada mas’uul dhex-mara tan iyo markii uu khilaafka soo kala dhex galay.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha  Koofur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta gareen  uu dadal badan ku bixiyay qabsoomida kulankii xalay dhexmaray Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo muddo aan is arag tan iyo markii uu khilaafka soo kala dhex galay.

Wararka ayaa intaasi ku Daraya in kulankii xalay kaliya uu ahaa salaam iyo isxog waraysi ‘ iydoo isu soo dhawaasho iyo isfaham laga gaaray sidii loo xalin lahaa khilaafka labada mas’uul ka dhexeya hase ‘ ahaatee waxaa loo ballamay kulan kale ee dhex mara madaxweynaha iyo  Ra’iisal wasaaraha.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay ku cadaadisay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisdal wasaare Rooble in labada mas’uul ay heshiis ka gaaraan khilaafka soo kala dhex galay si loo dar dar geliyo qabsoomida doorashooyinka dalka ka dhacaya.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com