Villa Somalia oo xaqiijisay in Abdirahman Guulwade xilki uu hayay iska casilay.

Muqdisho,War goordhaw la soo dhigay Twitter-ka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Abdirahman Guulwade idka casilay xilkii uu ka hayay Gudiga dib u heshiisiinta Somalia iyo Somaliland.

Faah faahin intaas ka badan laguma soo qorin qoraalka  ka soo baxay Villa Somalia.

Balse arintaan ayaa u muuqata mid jawaab u ah hadalka goordhaw ka soo yeeray Abdirahman Guulwade.

Guulwade ayaa sheegay in sax aheyd weerarkii duqeynta ahaa ee dowladii milatariga ku qaaday deegano ka tirsan Waqooyi bari.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com