Xildhibaan Ku Eedeeyay Ciidanka Kenya in dhibaato ay ka geystaan Gobolka Gedo

Xildhibaan  Cabdi Cali Xasan oo ka Tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa  sheegay dhibaatooyin ka taagan gobolka Gedo ee ay ku hayaan Ciidamada  Kenya.

Wuxuu sheegay in Ciidamada Kenya ee wadata   Shaarka AMISOM aysan deganayn Gudaha Soomaaliya, Balse ay degan yihiin Dhinaca Xuduudka, Islamarkaana uu Halkaasi kusoo Arkay.

“Ciidan macagii Soomaaliya Lacag ku qaadanaya ayaa hadana dadkii Soomaaliyeed dilaya, halkii la doonayey inay Codowga ka difaacaan”. Ayuu yiri Xildhibaan  Cabdi Cali.

Dhinaca kale Xildhibaanku wuxuu ka hadlay dagaal shalay ka dhacay Magaalada Baladxaawo, kadib markii ay ciidamada Kenya Rasaas ku fureen shacabka, Sidoo kalana magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo waxaa ka dhacay Banaabaxyo ka dhan  ah Ciidamada Kenya.

shalay  Baladxaawo dagaal ayaa ka dhacay, Sidoo kale  magaalada Ceelwaaq waxaa ka dhacay Banaanbaxyo, Anagu maxaanu ka qaban karaa  ? Fursada keliya ee aan haysano waa in Wasiiradii Shaqada ku lahaa Naloogu yeedho (Wasiiradda Arimaha dibadda iyo Arimaha Gudaha) , waana in degdeg Jawaab loo siiyaa Kenya, waana in Madaxwaynaha uu la hadlaa dhigiisa Ayuu yirii.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com