Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo diiday in uu ka Jawaabo Su,aalo la weydiiyay Wariyayaasha qaarna ku Tilmaamay in ay Alshabaab la shaqeeyaan+Sawiro Daawo:

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si toos ah uga qayab galay madal cilmiyeed ay soo qaban-qaabiyeen Mac-hadka RAAS Institute, taas oo si toos ah ay bulshada Soomaaliyeed su’aalo furan u waydiinayaan Madaxwayanaha.

Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlaya Arinta Somaliland ayaa yiri.

“Anigu waxaan diyaar u ahay in aan kursigeyga ku beddesho Midnimada Soomaaliya iyo wada-hadallada Somaliland.”

“Midnimada Soomaaliya waa muqadas, 30 sano ayey marayaan Somaliland, meelkastana Madaxdooda waa u mareen mana helin aqoonsi, ma jirto cid gobol iyo inyar aqoonsanaysaa, mana jirto cid dawlado kala goynaysaa Africa oo dhan, Markaa Somaliland cidna inaga jari mayso….” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Gabadh ayaa Waydiisay Madaxwaynaha Caawa waydiisay Sool Sanaag iyo Cayn maxaa qoondo ahaan raaciyey Somaliland Doorasho ahaana Puntland maxaa Labada Meelood ee Doorashada Meel looga dhigi waawayey Sool ama Sanaag?

Madaxwaynuhu wuxuu dhahay Su’aashaadu way adagtahay oo kama jawaabi karo Raali ayaad iga ahaanaysaa.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Wariyayaasha Qaar ku Tilmaamay In ay Shabaab la shaqeeyaan ama Dawlado kale ee aan doonayn Jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed

Madasha Su,aalaha lagu Weydiinayay Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in Dadka Su,aalaha weydiiyay ay ahaayeen Dhalinyaro laga keenay gobolada Waqooyi iyo shaqaale ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.co