Danjire Caalim oo Su,aalihii la weydiiyay Madaxweyne Farmaajo Cinwaan Uga dhigay mahcadka Raas ee fashilka Farmaajo!

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo Agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka.
Madaxweyne Farmaajo wax badan ayuu
saxaafadda u diiday shir jaraa’id, in si daah furan loo wareysto iyo in ururrada bulshada uu hor-yimaado.
#Ku dhowaad afar sano madaxweynaha Xalay  ayuu si daah furnaan ah u hor-yimid dad la soo soocay, oo uu isagu u garan og yahay waxaa loo yaqaan xoogagga wadaniga
#kuwaasoo dhallinyaro aan waligood soo arag nidaam dowladnimo oo isdhexgalay aqoon u bandanna u lahayn marxaladaha qallafsan ee dalka sida dagaallada sokeeye.
#Ka danjire Caalim ahaan waxaan doonayaa inaan fallanqeyntani idiin ku xasuusiyo waxa keenay in madaxweyne Maxamed Farmaajo uu wareysi siiyo machadka siyaasadda fallanqeeya ee Raas
iyadoo dadkii bulshada magaca ku lahaa laga ilaaliyay inay ka soo qeyb galaan su’aal weydiinta madaxweynaha.
Dadkaas haddaan qaar ka tilmaamo waxaa kamid ah;
1- Madaxda ururrada bulshada
2- Madaxda hay’adaha warbaahinta Muqdisho
3- Xildhibaannada labada aqal ee DFS
4- Madaxda hay’adaha waxbarashada
5- Hoggaamiyeyaasha xisbiyada iyo dadka u ololeeya dowlad-wanaagga
#Arrinkaan waxaa uu qof walba oo maskax wanaagsani tusayaa in madaxweyne Farmaajo uusan diyaar u ahayn in si daah furnaan ah loo wareysto,
iyadoo mar kasta uu ka dhuuman jiray su’aalaha dadweynaha.Su’aalahaasi madaxweynaha in la weydiiyo uusan jecleyn, waxaa kamid ah
#Qadiyadda Qalbi-Dhagax
#Musuqa baahsan ee hay’adaha dowladda FS
#Saameynta dowladaha Qatar iyo Itoobiya
#Sababta uu u oofin waayay ballamihii uu galay
#Dagaalka Alshabaab
#Fashilka siyaasadda maqaamka gobolka Banaadir
#Wada-shaqeyntii isaga iyo RW oo beenowday
#Fashilka doorashadii hal cod iyo hal qof
#Dib u habeynta hay’adaha dowladda
#Fashilkii natiijada imtixaankii ardayda Soomaaliyeed
#dhaqaale xumida dalka ee hoggaanka dowladdiisa
Machadka soo diyaariyay dooddani ayaa horay Madaxweyne Farmaajo ugu la soo heshiiyay in aan su’aalahaasi la weydiinin, waana waxa  meesha ka dhacay.
Ka danjire ahaan iima muuqan waxa uu madaxweynaha ugu baahday in si daah furnaan ah u hor-yimaado shacabka, inkastoo dad gaar ah su’aalaha ay weydiinayeen Farmaajo.
Tan kale, waxaa wax lala yaabo ah in machadka Raas ay ka been abuuraan shacabka Muqdisho iyo siyaasiyiintooda, islamarkaana ay noqdaan qeyb ka mid ah Madaxtooyada Soomaaliya.
Shaqaallaha Villa Somalia, gaar ahaan qeybta warfaafinta iyo la taliyeyaasha waxaa sumcad xumo ku ah in machad madax-bannaan ay soo hor fariisiyaan madaxweynaha, taas oo bulshada ula muuqato in uu machadka ka tirsan yahay madaxtooyada,
maadaama dadkii waxgaradka ahaa oo dhan laga ilaaliyay in ay yimaadaan kulanka doodda furan ee MW Farmaajo.
Gunaanad;
Waxaan fallanqayntaydani ku soo koobayaa, in machadyada siyaasadda ka faallooda ee ka dhisan gobolka Banaadir haddii ay diyaarinayaan kulamo ceynkani oo kale ah oo madaxda su’aalo lagu weydiinayo ay ka soo qeyb geliyaan waxgaradka iyo dadka labeynta u ah bulshada.
Wabillaahi Towfiiq…..
Waxaa qoray: Danjire Maxamed Maxamuud Nuur (CAALIM)
Wabillaahi Towfiiq
Espoo, Finland
caalim68@hotmail.com

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com