Xildhibaan ka Tirsan baarlamaanka Puntland oo Naqdiyay Su,aal la weydiiyay Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaan Cali Cabdiwaaxid, oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland, lagana soo doorto Gobolka Sanaag, ayaa si kulul uga hadlay Jawaabtii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay su’aal la xiriirtay Doorashada oo Xalay laga weydiiyay Sool iyo Sanaag.

Su’aasha la weydiiyay Madaxweyne Farmaajo, oo ku saabsanayd halka ay ka dhacayso Doorashada Xildhibaannada Heer Federaal ee ka imaanaya Gobollada Sool iyo Sanaag, ayuu sheegay  in ay tahay su’aal adag oo uusan ka jawaabi Karin.

Dhinaca kale ,  Xildhibaan Cali Cabdiwaaxid oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dafiray Jiritaanka Bulshada deggan Sool iyo Sanaag, taasna uu ku raalli-gelinayay dad iyaga lamid ah.

Farmaajo, waxa uu dafiray jiritaanka dadka u dhashay gobollada Sool iyo Sanaag, isaga oo raalli-gelinaya dad lamid ah dadka gobollada dega” ayuu yiri Xildhibaanka .

Sidoo kale, wuxu Xildhibaannada heer Federaal ee Sool iyo Sanaag laga soo doorto ugu baaqay, in aysan codka siin Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana uga boodaan sidii isaguba uga booday Su’aashii la xiriirtay Sool iyo Sanaag.

Dadka Sool iyo Sanaag, caawa wax badan oo aysan hore uga aqoon Farmaajo ayey ka barteen, waxaan filayaa in sida uu su’aashu uga booday in looga boodi doono isna.” Ayuu sidoo kale yiri,.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com