Madaxweynaha Puntland oo maamulo Cusub u magacaabay degaano ka Tirsan gobolka Bari

Madaxweynaha  Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa  Maamulo kumeel gaar ah u magacaabay degmooyinka Qandala iyo Balli dhididle oo ka Tirsan gobolka Bari

Wareegto ka soo baxday Madaweyne Deni ayaa Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Qandala, halka Maxamed Jaamac Muuse Cadaysaysi ku-meelgaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku xigeen.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in sababta maamul cusub loogu mgacaabay Qanadaha in ay tahay geeridii Guddoomiyihii hore ee Degmada iyo iyadoo weli aysan suurto galin in la dhiso Gole Deegaan oo cusub.

Dhinaca  kale wareegto kale oo uu soo saaray madaxweyne Deni ayaa Maxamed Axmed Muumin si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiddin, halka uu Cabdiqani Maxamuud Ciise si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com